MusaabaqoAfsom
NadwoCulimo
JadwalkaQolka
TarbiyadaCarurta
MarkaskaAlhudda
Manhajkeena
Fataawoyinka
Maqaalooyin
Tabarucaadka
TahniyadHambaly
Contact Us

 

More Information

 

 

 



Musdalaxa Xadiiska Sh. Shariif Cabdi Nuur

Minhaajka Usuusha Sh. Shariif Cabdi Nuur

Kitaabul Bukhaari Sh. Shariif Cabdi Nuur

Islaaxul mujtamac sh. Boqolsoon.

Kitaab cusub Tuxfatul-Adfaal "sh. Abdirashiid A.

Naylul Awdhaar "sh. M. Shible

Walayaal Jadwalka Qolka Dacwada Riix Halkaan.

Tafsiirka Quraanka Kariimka

1.Sh.cumar Faaruuq xafidulaah

2.Kitaab Caqiida Safraaniya & Caqiidatu zalaf sh.Maxamed cabdi Ummul.

3.Luuqada Musdhalaxa Sh.Cabdicaziiz Sh.Cismaan

4.Kitaab NaxweSarfi &Kitaab Uzuul Fiqi &Kutubo Kale sh.maxamuud shible

5. Kitaab Adaab Mufrad & Kitaab Cumadti Axkaam Sh.XasaanXuseen

Walaalayaal Wixii Cilad Farsamo Noo Soo Sheeg

6.Axkaamtu Ruqiyah Sh.Cali Xoogsade

Barnaamishka Caruurta Soomaliyeed

 

 

More Information

 

 

 

Waa Maqaalo Diini ah

XukunkaCiidaha Gaalada Sh.Cali Xoogsade
Malaga qeyb gali karaa ciidda Gaalada?
Waxaa waayahan badatay in dadkii muslimiinta ahaa u safraan wadamo looga dhaqmo diimo diimo aan islaamka aheyn,waxaana ka dhashay in dadka qaar uu ku dhacay isbadal xaga dhaqanka ah ,waxyaabaha soo kordhay waxaa ka mid ah in dadkii muslinka ahaa dhaqamada qaar ka qaateen dadkii aaminsanaa diimahii kale sida in ay kala qeyb qaataan dabaal dagyada iyo ciidaha u gaarka ahaa dadka aan muslimiinta aheyn taasoo dhaawaceysa caqiidadii ay rumees naayeen.

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in dadkaas loo caqli celiyo hadii cilimi la,aan ku raacday wax yaabaha ay sameynayaana la baraarujiyo,sidaas darteen waxaa maqaalkan ku soo gudbinayaa waxa ay diinta islaamka ka qabto ka qeyb galka ciidaha gaalada taasoo noocyo fara badan leh,sida in la farxo ama loo hambalyeeyo ciidda darteen ama la cuno cunooyinka loo diyaariyay ciidda weyneenteeda.

Waxaa culimada diinta aqoonta uleh in badan uga digaan dadka muslimiinta ah in ay wax raad ah ku yeelato dhaqamada gaalada,waxayna tilmameen {in qofkii bixiya hadiyad asagoo weyneynaya ciidahooda sida gaaladu uweyneyso uu ku gaaloobayo} caalimka la yiraahdo Abuu Xafsa alxanafi(allaha u raxmadee) uu yiri:{hadii uu ruux qonton sano muslin ahaa cibaadeysan jirayna ka dibna uu u hadiyeeyo -ukunba ha ahaa-teeruux gaal ah maalinta uu ciidaayoasagoo weyney naya ciidaas inuu ku gaaloobaayo}culimada waxa ay tilmaameen xataa inaan maalmaha ciidaha gaalada ruux muslin ah muslin kale hadiyad u diri karin si uu san ugu dhaqan ekaan gaalada,sidoo kalana waa inuusan iibsan ruuxa muslinka ah waxa ay gaalada iibsadaan maalmahooda ciida ah asagoon horay u iibsan jirin,waxeyna yiraahdeen: {weliba hadii uu ula jeedo inuu ciida gaalada ku weyneeyo wuu ku gaaloobayaa,hadiise uu u iibsado cuno iyo cabitaan uu u baahnaa ahaan dhib malaha oo waa iibsan karaa}

Waxa uu Ibni Teymiya(allaha u raxmadee) soo guuriyay waxa ay diinta ka qabto in hadiyado loo diro ciidaha gaalada iyo in la cuno cunooyinka ay u sameesteen ciida daraadeed ama lagula safro gaadiidka ay ugu safraan ciidahooda waxa uuna ka sheegay culimadii asaga ka horeysay hadaladii ay ka yirahdeen arimahaas:{arintaas waa karaahi oo culimada iskuma diidana madhabta maalikiyadana waxaa ku cad in gaal loo hadiyadeeyo in ay xaaraan tahay}sidaasna waxaa sheegay C/malik ibnu Xabiib oo ka mid ah culimada malikiyada (aallaha u raxmadee) Ibnu Qaasim (allaha u raxmadee) mar la su,aalay in gaadiidka lala raaci karo masiixiyada marka ay ay ciidahooda u safrayaan ciidahooda waxa uu ku jawaabay:{waa uu karaahsaday waxaa halis ah in illaah caradiisa ku soo dagato madaama ay gaalnimo ku kulmeen} waxa uuna raaciyay{muslim uma hadiyadeen karo gaal ciiddiisa darteed ,waxa ay noqoneysaa abaal marin iyo in lagu gacan siiyay gaalnimadooda}waxa uuna tilmamay arintaas waxa ka sii daran :{ma u banaana muslimiinta in ay ka gadaan masiixyada wax maslaxad u ah ciidooda haduu hilib yahay ama cuno ama dhar midana lagama gadi karo, waxaana sidaas qaba Maalik iyo culimada kaleba mana aqaan ruux ku qilaafsan} .

Al Cabdari(allaha u raxmadee) waxa uu sheegay:{qofkii in uusan marqaati noqon karin hadii uu ka sameeyo Neyruuzka iyo mehrajanka maxaa yeelay waa dhaqan masiixiyo}waxa uuna sheegay:{qofkii jeclaada qolo inuu ataga ka mid yahay}

Imaam al Beyhaqi waxa uu cinwaan ku samaayay kitaabadiisa midkood:{qeyb ku sabsan uin ay reeban tahay in gaalada kaniisadahooda loogu galo malmaha neyruuzka iyo mehrajaanka} waxa uuna cinwaankas ku hoos qoray{Cumar (allaha ka raali noqdee) waxa uu yiri:ha baranina luqadaha cajamta gaalada ha u galina kaniisadahooda maalinata ciidooda maxaa yeelay carada allaa ku soo dagata}{waxa uu cumar (allaha ka raali noqdee)yiri:ka fogaada cadawga eebe maalinata ay ciidayaan} {C/laahi ibni camar (allaha ka raali noqdee)waxa uu sheegay:

Ruuxii dhista cajamta dhulkeeda ee sameeya neyruuzkooda iyo mahrajaankooda isuna ekeysiiya ilaa uu ka geeriyooda waxa lala soo saaraa gaalada malinta qiyaame}.

Ibnu Kathiir(allaha u raxmadee) mar uu soo qaatay xadiiskii ahaa {qofkii qolo isu ekeysiiya ayaguu ka mid yahay}waxa uu yiri:{waxaa laga fahmayaa reebid iyo goodi adag in gaalada leesku ekeysiiyo xaga hadalka ficilka iyo labiska iyo xaga ciidooda iyo cibaadadkooda iwm oo ah arimahooda gaarka u ah oo aan naloo sharciyeeynin} .

waxaan ku soo gaabinaayaa qeybta koowaad ee ku saabsan ka qeyb galida ciida gaalada iyo waxa diinta islaamka ka qabto

waxaa soo diyaariyay cali nuur xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

 

 

Axkaamta Zakaatul Fitri: Zakariya

 

 


 


 

 

 

 

KutuboWebsityadaKujiraan

Waxaan Walaalaha Ka Codsanaynaa Wixii Cilad Farsamo Aad webka ku aragtaan Ama uu Ku Furmi waayo WebSiteyada Halkan Ku Jiraan NaSooWarGeliyaBarakalaahu Fiikum

Riix Halkaan Websiteyada kitaabyada

Email: Webmaster@Alixzaan.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

KutuboWebsityadaKujiraan

Waxaan Walaalaha Ka Codsanaynaa Wixii Cilad Farsamo Aad webka ku aragtaan Ama uu Ku Furmi waayo WebSiteyada Halkan Ku Jiraan NaSooWarGeliyaBarakalaahu Fiikum

Riix Halkaan Websiteyada kitaabyada

Email: Webmaster@Alixzaan.com

 

 

 

More Information

Aflax.net

Altaqwaa

Duruus

Addacwah

Hanuun

Sh.Ibnucutheymiin

Sh.Ibnubaas

Sh.Islamibnuthey

Sh.Cismaan Suudani

Sh.M.N.Albaani

Muratil Quraan

Islamway.com

Islamweb.Net

Emanway.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

More Information

 

 

 

Webmaster@Alixzaan.com

Copyright2007 Designed Somalicomputer.com