Fariin Ku socota Walaalkasta
oo u Gargaari karo Walaalkeen
Xasan Bashir
Anigoo ah akhii zubeyr
waxaan kula kulmay magaalada
Jidaha xaafada Km
7 ( Kiilomitir
Sabca ) si lama filaan
ah Walaal soomaliyeed
oo xanuunsan oo shil gaari
galey markaan wareystey
reerkii wiilka waalidka
u ahaay waxay ii sheegeen
in nin yemeni ah oo aay
deris yihin, oo dhalasho
sacuudiya haysta inuu
gaariga marsiiyey wiilkan
yar oo shaqo kasoo baxay.
Codsi: Waxaan walaalaha
muslimiinta ka codsanaynaa
meelkasta oo ay joogaan
in ay walaalkaan ka caawiyaan
wax kastoo u helikartaan:
Siyaabaha aad uu cawiin
kartid waxa ka mid ah
>
Dhaqaale inaad ku taageertaan
> Dhaqtar
dibabdeed ama hayadaha
wax caawiya hadaad taqaano
fadlan ugargaar walaalkaan.
> Fikirkaada
iyo Taladaada wanaagsan
waa lo baahaan yahay.
Qofkaan jiran magacisu
waa Xassan Bashiir (Hasan
Bashiir) Dhalashadiisa:-
Soomali Da"diisa:-
21 jir ?
Xaaladiisa : Walalkeen
Xasaan ma awoodo inuu
cuntada cuno , laakin
wuxuu cuntada kaqaataa
Sanka dhibkiisana aad
iyo aad ayuu daranyahay
ama u liitaa .Xitaa kaadida
iyo saxarada sariirta
looga qaadaa ama baambaris
loo xiraa waxaana habeen
iyo maalin dul taagan
walaashiisa ka weeyn.
Noloshooda
: Ma jirta hay""ad
ama dad wax siiyo ama
dawlada wax kabixiso marka
mana haystaan wax sharci
ah oo ay ku joogi karaan
ama ku shaqaysankaraan
reerkooda.
Mustaqbalka Muxuu Rajeynayaa
Walaalkaan Xanuunsan.
Waxay dhaqaatiirka ku
yiraahdeen qaliinkiisa
waxaa ku baxaysa lacag
dhan 60,000
Riyaal oo dhiganta
10,000
Euro marka walaalayaal
waxaad sawirataa wiilyar
21sano jira oo ah waqtigii
mustaqbal noloshiisa uu
dhisan lahaay curyaan
ku noqdey 'Al
Qadaa Wal Qadar
In la Rumeeyo waa waajib.
Walaalayaal Caawitaan
ayuu idiinka Baahan yahay
walaalkaan Da"da
yar .
Magaca
Doktorka & Taqususka .
Dr
Axmed Diraas
Istashaan Maskaxda iyo
Xididada
Isbitaalka Lageeyey waa:
King
Abdulazizi Hospital &
Oncolgy
Center
P.O.Box 31467 Jeddah -
K.Saudi
–Arabia
Wixii Faahfaahin Kala
Xiriir Macalin Kuusoow
Waa Wiilka Adeerkiis (Kubricumaal
/Jiddah )
Telefoon
= 00966544195321 Ama
Waxaad
Kala Xiriiri Kartaan Ustaad
abuu99 Iyo Akhii
zubeyr_1
paltalk.
Tabarucaad@Gmail.com
Fiiro
Gaar ah : Dhowaan
waxaan idin soo gudbin doonaa
Sawirada wiilka dhibaateysan
iyo Codkiisa Inshalaah coming
soon .
Walaalaha waxaan ku ogaysiinaynaa halkaan
inaan tabarucaadka kheyriyaadka uu kaqayb
qaato shabakadan alixzaan .
Yoolkeena(Hadafkeena)
Waa inaan Allaah sunxaana watcaalaa raali
gelino iyo inaan dadka soomaliyeed ee
muslimiinta ah in wixii awoodeena aan
caawino oo aan isku xirno shacabka soomaliyeed
& dadka qurabaha ku nool.
Caawinaadaas waxay noqon
kartaa mid
>Maal dhaqaale inaan
bixino
>Inaan Ra"yi ku
taageerno walaaladeena muslimiinta ee
wadankii joogaan.
>Waxkastoo diinta wax
loogu qabanaayo.
>Wacyi gelin ( Baraarujin)
>Kheeyriyaadkaan kaqayb
qaadano lama soo koobi karo laakiin waa
sidaan.
1-Caawinta
caruurta agoonta wadankii kusugan
meeshay doonaan soomaliya haka joogaan.
2-Zakaatul
fitriga in loodiro wadankii soomaliya
{dhaaqaalaha aybixiyaan dadka qurbaha
kunool} si aylabada dhinacba ajar uga
helaan
3-Afurinta dadka sooman
aan heli karin waxay ku afuraan.
4-Qalabaynta
masaajida ubaahan dacayactir {tusaale:
kitaabo,Sajaayado(carpet) ,Tuubooyin(Qasabad),Matooro
i.w.m
5- Dhaqaale
kubixin : Daryeelka Ducaada Dhibaateysan
Xag Caafimaad ee Jooga Wadankii.
6-Wax
kaqabashada Madaarista islaamiga
iyo kuwo kale badan oo aan halkaan kusoo
koobi karin.
7-Kafaala
qaadid (Korsasho) caruurta agoon
ah oo aan aabe iyo hooyo haysan adigoo
qiimo jaban ku korin kara ilmahaas yar
ee soomaliga ah.
8-Udxiyada :Waa
in bisha dulxij xoolo lagoowraco Alle
dartiis oo loo diro wadankii soomaliya
maadama dadka aad u tabaaleysan ay joogaan
wadankii. Tusaale :Anagoo
wadaagi karna (Share) Hal neef oo lo""a
ah{ Qiimaha waa
neefkii ari 45$ ,Neefkii lo""a
waa 165$}
Fadlan walaalkii ama walaashii
(aabihii ama hooyadii )doonaysa in ay
ka qayb qaadato waxaad lasoo xiriiri kartaa
.
Email :Tabarucaad@Gmail.com